Bookmark and Share

Macluumaadka Qowmiyadaha laga badan yahay

Hordhac | Wargaarsiin | Xuquuq | Badbaado | Beelaha | Qorshayaal
Arabic | Chinese | English | Farsi | German | Hindi | Japanese | Korean | Somali | Spanish | Thai | Vietnamese

Badbaadada Qofka
Gaari kaxaynta Niyuusiilaan dhexdeeda
Dagaalka qoyska dhexdiisa
Xannaanada carruurtaada
Seeragoyn (trespass)
Afduub iyo cagajuglayn
Dembi jidhncayb
Musuqmaasuq dal soo gelid
Wax isdabamarin maaliyadeed
Maxaad yeeli haddii...

Sidaad u xafidan lahayd boorsadaada

Boorsada la iska dafo kama ay dhacdo waddankan New Zealand. Lakiin, haddii aadan ilaashan, waxaa hunguriyeen kara tuugada.

Warbixinadan soo socda waxay kugu tusaaleynayaan sidii aad uga hortagi lahayd qatarta ah in boorsadaada lagaa dafo. Isticmaal talooyinkan ku saabsan badbaadinta sida goortaad sidato shandaddaha iyo kombiyuutarada gacanta lagu qaataba.

Dibadda iyo hareeraha

Waqti kastaba si wanaagsan u xajiso boorsadaada. Habka aad u gashaneyso ha noqoto mid aan gadaashaada laga dafi karin ama uu dafi karin qof ku jira gaari ku gudbaya.

Maalin kasta qaado lacag ku filan waxa aad u baahan tahay inaad iibsato.

Ra’yi wanaagsan ma aha inaad boorsadaada ku qaadato lacag badan ama dahab iyo wixii la mid ah ama wax kaloo qiimo kuu leh.

U dhaqan sida qof is huba iskana ilaali dadka agagaarkaada jooga. Ka fogow goobaha cidlada ah. Haddii ay cabsi kugu jirto kaxeyso qof saaxibkaa ah.

Haddii aad is leedahay qof ayaa ku daba socda ama ku eeganaya oo isla markaasna aad dareemeysid cabsi, socodka boobsii una jiheyso dhinaca aad ku badbaadeyso.

Goortaad lacag kala soo baxeysid mishiinka waddada ku yaal ee bankiga leeyahay, waxaad istaagtaa meel aad dadka ka arkeysid, qari afartaada lambar ee sirta ah lacagtii aad kala soo baxdeyna si deg deg ah u xareyso.

Goortaad isticmaaleyso telefoonka dadweynaha loogu tala galay, u jeeso dhinaca xiga dadka wadada soconaya si aad aga feejignaato in tuugada ay kugu gaadin.

Gaariga dhexdiisa

Xir irdaha gaarigaada boorsadaadana ha dhigin meel laga arki karo. Boorso looga tagay kursiga gaariga isha ayeey soo jiidaneysaa.

Haddii ay suuroobi karto gaarigaada istaaji meel ay dad badani socdaan. Boorsadaada hore u qaato goortaad gaarigaada ka baxdo.

Furahaada sii diyaarso goortaad gaariga dib ugu soo noqoneysid si aad dhaqso u furto.

Adeegga

Suuqyada waaweyn iyo meelaha gaariga la sii dhigto goortaad adeeganeyso waa meelaha tuugada boorsooyinka xada ay ku badan yihiin.

Marnaba ha ka tagin boorsadaada. Marnaba ha aga tagin boorsadaada gaariga birta ah ee alaabta aad dukaanka ka soo iibsatay lagu rido ama goorta aad adeegaadii ku xaseyneysid gaarigada. Goortaad dib u celineyso gaariga alaabtaada aad ku soo qaadatay ha ka tagin boorsadaada.

Gaadiidka dadweynaha

Si adag u xajiso boorsadaada inta aad saran tahay oo idil. Ha dhigin kursiga hoostiisa, ama meesha loogu tala galay shandadaha.

Digtoonow goor kastood taagan tahay goobta basaska loo istaago iyo doomaha, meelaha tareenka laga raaco iyo garoonka diyaaradda, ha ka dhaqaaqin boorsadaada. Qaado oo xafido boorsadaada si uu qof kaaga furan shinyeerkeeda ama kala bixin boorsada yar oo lacagta lagu shubto.

Shaqada

Ku hayso boorsadaada meel aad ka arkeysid, ku xir meel ay kugu nabad galeyso, ama ku rid meel xafidan.

Haddaad safar aaddo

Haddii aad aga tagtid boorsadaada qolka hotelka ama motelka taasi ma aha hubaal inay kuu badbaadeyso.

Haddii ay kuu suuroobi karto ku rid qasnadda amaanka ee qolka taal wax kastood qiimo leh oo aad wadato, ama qasnadda taal miiska hore oo shaqaalaha taagan yihiin. Haddii ay kuu suuro gali karin, alaabtaada qiimaha leh hore u sii qaado.

Dariishadaada iska hubi inay xiran tahay, siiba kuwa dhulka la siman ama u furan baalkoonka dibadda.

Baararka, maqaayadaha iyo kalaabyada

Waligaa ha aga tagin boorsadaada meel aadan joogin.

Goortaad isticmaaleyso musqulaha dadweynaha loogu tala galay boorsada ha dhigin dhulka ee suro birta albaabka ku dhegan oo loogu tala galay in wax la surto. Tuugada waa ay laaci karaan lana carari karaan boorsada taal dhulka albaabka hoostisa.

Ha dhigin boorsadaada dhulka ama meel aadan arkeyn, sida kursi hostiisa. Taasi waxaa la mid ah sida kuraasida carwooyinka, garoomada iyo shaneemooyinka.

Guriga

Waxaad isticmaashaa dastuurka ugu fudud ee quseeya goortaad gurigaada joogto. (Waxaad eegtaa qoraalka Ka hortagga arrimaha tuugada u suurogali kara oo aad ka heleysid warbixin buuxda arrintan ku saabsan.)

Ka hortagga tuuga

Haddii aad ka shakisan tahay qof doonayo inuu boorsadaada kaala cararo, muuji inaad tahay qof isku kalsoon. La hadal adigoo codkaada kor u qaadaya hujuumayana. Isticmaal ereyada sida I ‘iga leexo’, ‘waxaan wacayaa boliiska’.

Waa caadi in qofku uu doonayo inuu alaabtiisa badbaadsato. Lakiin, haddii boorsadaada lagaa dafo oo aad ku dhegto, waxaa dhici karta inta aad la xarbineysid inuu dhaawac ku gaaro.

Haddii boorsadaada lagaa xado:

  • Qayli ‘qabta tuugga!’ ama wax la mid ah, si ay qayladaada u soo jeediso dadka kale.
  • La xiriir boliiska sida ugu dhaqsaha badan. Waa muhiim inaad siiso boliiska tilmaanta tuuga, dhinaca uu aaday iyo gaariguu watay, qaasatan taargada gaariga.
  • Haddii kararka bankiga lagaa xaday, la socodsii bankigaada sida kuugu dhaqso badan. Waligaa ha ku xafidin boorsadaada qoraalka afartaada lambar oo sirta kuu ah oo uu bankigaada ku siiyay.

Waxaa dhici karta in qof sheeganaya inuu ka socdo bankigaada ku soo waco, ama shirkadda kaarka deynta ah ama boliiska, uu ku weydiiyo afartada lambar oo sirta ah. Marnaba ha bixin afartaada lambar oo sirta kuu ah. Ha’yadahan marnaba ma dhacayso markay ku soo wacaan in ay ku waydiyaan afartaada lambar oo sirta kuu ah.

Ka hortagga dembiyada

Badbaadada qof ahaaneed

Horay wax u qorshayso

  • Diyaarso liiska taleefoonada dad aad wacan karto markay ku qabsato xaalad deg deg ah. Taleefoon hakuu yaallo sariirta agteeda

  • Isku afgarta deriskaagu inay kuu ilaaliyaan guriga. Tusaale ahaan, kula heshii inay waraaqahaaga boostada kaaga saaraan markaad fasax u baxdo.
  • Ku talogal in aad hesho digniin bixiye (alarm) gaar ah oo aad kadhawaajin karto marka xaalad degdeg ahi kula soo deristo.
  • Ku dadaal in aad gurigaaga ku xidho alaamka meesha fog lagala socdo.

Yaan lagu sirin

  • Haddii qof aadan aqoon gurigaaga yimaado oo ku weydiisto inuu taleefoonkaaga dirsado, adigu u dir lambarka uu doonayo. Looma baahna inuu gurigaaga soo galo ama aad albaabka ka furto.
  • Waxba haku darsan dad aadan aqoon oo albaabka kuu soo istaaga ama kusoo waca.
  • Ha kala hadlin hantidaada lacageed dad aadan aqoon, taleefoonna haku sheegin tafaasiir ku saabsan akawntigaaga bangiga ama kiridhitkaadkaaga.

  • Hel isbarbardhig qiimayn ama qaansheegtooyin dawr ah intaadan shaqaalaysan qof farsamo yaqaan ah ama talobixin weydiiso qof saaxiibkaa ah.

  • Haddaad u malayso in qof isku dayayo inuu ku khayaameeyo, la xiriir booliiska.

Talooyin guud oo nabadgelyada la xiriira

  • Guriga ha ku kaydsan lacag fara badan iyo murriyado (sida dahabka).
  • Waligaa ha qiran in aad keligaa guri joogto.
  • U samee albaabka gurigaaga daloolka wax laga arko.
  • U samee albaabka laga soo galo silsiladaha ammaanka ee gudaha ka xidhma.
  • Haddii si khalad ah taleefoon laguugu soo diro, marna ha sheegin magacaaga iyo ciwaankaaga.
  • Weydiiso liistada ammaan sugidda qofka lagala xiriiro Istaakulaynta Deriska.

Kor

Gaari kuwadidda Niyuusiilaan

Qof walba oo gaari kuwada jidadka Niyuusiilaan waa inuu haystaa laysin sax ah.

Waddanka Niyuusiilaan dadku waxay gawaarida ku wadaan dhanka bidix ee jidka.

50K road sign Xawliga gawaarida lagu wado waa 50km saacaddii magaalooyinka dhexdooda iyo 100km saacaddii jidadlka kale. Calaamadaha waddooyinka ayaa tilmaama marka xaddidaadda xawligu isbeddesho.

Waa lagu ganaaxi karaa ama laysinkaa lagaa qaadi karaa haddii xawligaagu dhaafo inta loo xaddiday.

Haddaad haysato laysin dibadda ah ama ruqsada gaariwadista caalamiga ah, waxaa laguu oggol yahay in aad Niyuusiilaan gaari ku wadato muddo hal sano ah oo ka bilaabanaysa maalintaad dalka soo gashay.

Laguuma oggola in aad gaari kaxayso, haddaadan wadan laysin dibadeed ama ruqsada caalamiga ah ee gaari wadista. Waa in aad codsataa laysinka darawalnimada Niyuusiilaan.

Haddii booliisku ku qabto adigoo laysin la'aan ama laysin khaldan gaari ku wada, waxaa lagugu amrayaa in aad ganaax bixiso, dib dambena gaari uma kaxayn doontid ilaa aad hesho laysin sax ah.

Booliiska kama heli kartid laysinka gaari wadista. Si aad u codsato laysinka darawalnimada Niyuusiilaan waxaad wici kartaa hay'adda gaadiidka dhulka oo taaleefoonkeedu yahay 0800 822422 ama la xiriir xafiiska kuugu dhow ee wakiilka laysin bixinta.

Sidoo kale eeg: akhbaarta gaari wadista ee hay'adda gaadiidka dhulku ugu talo gashay dadka dhowaan dalka soo degay iyo kuwa booqashada ku yimaada.

Kor

Haddaad tahay dhibbane dambi laga galay ama shil waddo wax ku noqday

  • Booliiska Niyuusiilaan ayaa ka masuul ah inay baadhitaan ku sameeyaan dembiyada iyo shilalka waddooyinka iyo sugidda ammaanka dadka.

  • Haddaad aragto dembi ama shil waddo oo dhacaya, ama adiga dambi lagaa galo, fadlan taleefoon u dir booliiska oo lasocodsii waxa dhacay gargaarna dalbo. Aad bay muhiim u tahay in aad booliiska u sheegto waxa dhacay.

  • Marka xaalad degdeg ahi kula soo deristo, wac booliisk oo dirso 111.

  • Marar badan, booliisku waxay rabaan inay tagaan meesha dembigu ka dhacay (goobta fal-dambiyeedka).

  • Xaaladaha aan deg degga ahayn, booliisku waxaa laga yaabaa inay ku weydiistaan in aad saldhiga booliiska tagto si aad u dhiibto warbixin rasmi ah.

  • Booliisku waxaa laga yaabaa inay doonayaan inay kaa la hadlaan fal-dembeyeedka oo ay caddayn iyo xogwarran kaa helaan, si dambiilaha gacanta loogu soo dhigo amaba loo xidho hadday habboon tahay.

  • Booliiska Niyuusiilaan aad bay ugu wanaagasan yihiin soo qabashada dambiilayaasha iyo xallinta dembiyada.

  • Haddaad aragtay qof dembi gelaya ama sabab u ah shil waddo, waxaad booliiska ku caawin kartaa adigoo usheega siduu u egyahay qofkaasi. Tan oo kale waxaa loo yaqaan sifayn wanaagsan.

  • Gargaarka Dhibbanayaashu waa urur kale oo toos ula shaqeeya booliiska, si ay kuu caawiyaan marka dembiyada ama shilalku dhacaan.

  • Ururka Gargaarka dhibbanayaashu waxay kaa caawinayaan su'aalo kasta ama walaaca kaala soo gudboonaada in aad tahay dhibbane ama markhaati.

  • Haddii lasoo xidho qofkii dembiga ama shilka geystay, waxaa laga yaabaa in maxkamad loo gudbiyo.

  • Sidoo kale waxaa laga yaabaa in aad maxkamadda tagto si aad u caddayso oo faahfaahin uga bixiso wuxuu qofkaasi kuu geystay. Lataliyeyaasha Dhibbaneyaasha ee Maxkamadda ayaa kaa caawinaya akhbaarta ku saabsan sida maxkamaddu u dhacayso.

  • Dalka Niyuusiilaan dhammaan dhibaneyaashu waxay leeyihiin xuquuq ay ka mid tahay in laguula dhaqmo si xushmad iyo naxariisi ku jirto. Xeerka Xuquuqda Dhibbaneyaasha ee 2002 ayaa tibaaxaya waxaad xaq u leedahay haddaad dhibane tahay.

Kor

Rabshadaha guriga/qoyska ka dhexdhaca

  • Dalka Niyuusiilaan, rabshadaha guriga (ama qoyska ka dhex dahaca) waa dembi aanu booliisku fududaysan.

  • Waa wax sharciga ka hor imanaya in qof qof kale u geysto xadgudub ama dhibaato waxyeesha jidhkiisa, nafsadiisa iyo anshax darro galmo la xiriirta.

  • Rabshadaha qoyska dhexdiisa waxaa ka mid ah iyadoo la feedho ama la laado qof qoyska ka mid ah; hanti la jabiyo si qof loogu dhibaateeyo; isku day in la xakameeyo nolosha qofka iyadoo la adeegsanayo bahdilid joogta ah; u xoogsheegad; waxyeello ama anshaxdarro galmada la xiriirta; iyadoo la kontoroolo qofka lacagtiisa, waqtigiisa, gaarigiisa ama xiriirka uu la samaynayo saaxiibadiis, taasoo loola jeedo awood sheegasho.

  • Noocyada ugu badan ee rabshadaha qoyska booliiska lasoo gaadhsiiyo waxaa ka mid ah kuwa loo geysto dumarka iyo carruurta. 85% dhibbanayaasha booliiska u soo cawdaa waa dumar.

  • Booliisku waxay garawsan yihiin waxyeellada ba'an ee dagaalka qoysku u geysto carruurta aragta ama maqasha rabshadahaas. Booliisku waxay aad ugu dadaalayaan siday carruurta dhibaato uga badbaadin lahaayeen.

  • Haddii adiga ama qof qoyska ka mid ahi halis markaa taagan u yahay rabshadaha qoyska, booliiska la xiriir oo wac 111.

  • Haddii dagaalka qoysku gurigaaga ka jiro, waa in aad lasocodsiiso qof aad ku kalsoon tahay. Wac qof saaxiibkaa ah ama qoyskaaga ka tirsan ama mid ka mid ah kooxaha hoos ku qoran. Wac booliiska haddaadan aqoon cid aad la hadasho.

  • Dadka dhibaatadu ka haysato rabshadaha qoysku waxay codsan karaan amar badbaado (protection order). La tasho garyaqaan ama mid ka midah kooxaha wax taakuleeya ee hoos ku qoran.

  • Amarrada badbaadada waxaa bixisa maxkamadda qoyska, waxayna qofka codsada iyo ilmihiisaba siiyaan difaac sharci ah oo ka dhan ah rabshadaha qoyska.

  • Amarka badbaado wuxuu magac dhabaa qofka tacadiga geysanaya, wuxuuna si cad u sharxaa wuxuu samaynkaro iyo waxa ka reebban. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in amarku caddeeyo inaan qofkaasi hanti burburin ama ku hanjabin inuu burburiyo

  • Duruufaha caadiga ah, waxaa la bixin karaa amar badbaado oo ku meel gaar ah isla maalintaasba ama dhowr cisho dabadeed markaad dalbato.

  • Amarka badbaado waxaa kaloo laga yaabaa inuu kaa caawiyo ammaanka gurigaaga iyo hantidaada.

  • Haddii qofku u hoggaansami waayo amarka badbaado, waxaa xidhi kara booliiska. Waxaa qofka la geynayaa maxkamadda degmada oo laga yaabo inay ku xukunto ganaax (lacag bixiyo) ama in xabsiga loo taxaabo.

  • Raadso macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan amarrada badbaado iyo Sharciga Rabshadaha Qoyska

  • Dalka Niyuusiilaan waxaa u degsan sharciyo adag oo la xiriira rabshadaha qoyska ka dhex dhaca. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sharciyadaas ka akhri Qaanuunka Rabshadaha Qoyska ee 1995, ama booqo bogga Maxkamadda Qoyska ee shabakadda Intarnetka.

  • Hay'adaha kale ee ku caawin kara waxaa ka mid ah:

Kor

Xannaanaynta carruurtaada dalkan Niyuusiilaan

  • Sharciga Niyuusiilaan wuxuu dhigayaa in dhammaan carruurta iyo dadka da'yarta ahi xaq u leeyihiin inay badbaadaan oo la daryeelo.

  • Waa muhiim in aad carruurtaada ilaaliso si ay u nabadgalaan oo aan dembi loogu geysan iyaguna aynan dembi ugu lug yeelan.

  • Niyuusiilaan carruurta da'doodu ka yar tahay 14 jir waa in marwalba isha lagu hayo si ay u nabadgalaan. Marnaba ha uga tegin ilmo 14 ka yar guri ama gaari iyagoon lala joogin.

  • Markay gaari saaran yihiin carruurta 5 jir ka yar waa in lagu xidho kursi ammaan ah oo ku habboon da'dooda, cabbirkooda iyo culayskooda.

  • Haddaad baxayso weydiiso qof qoyskaaga ka tirsan ama saaxiibkaa ah- oo aad ku kalsoon tahay- inuu carruuurta kuu hayo. Haddaad ilamaha qof u dhiibanayso markaad shaqo jirto ama guriga ka maqan tahay, waa in qofkaas da'diisu tahay 14 jir iyo wax ka sarreeya.

  • Ku dadaal in carruurtaadu marwalba kula soo xiriiiri karaan adiga ama qof aad ku kalsoon tahay. Tusaale ahaan, hubi inay garanayaan taleefoonkaaga gacanta ama kan shaqada.

  • Hadday kula tahay in ilmahaaga dembi laga galay, ama uu dembi ku lug leeyahay waa in aad booliiska la socodsiiso.

  • Waxaa jira saraakiil booliis oo gaar ah oo loo yaqaan "Hawlwadeennada Taakulaynta Dhallinyarada", kuwaaso ku shaqo leh da'yarta dembiyada ku lug leh. Waxay kaa caawin karaan sida ugu habboon ee aad carruurtaada ku badbaadin kartid.

  • Booliiska Niyuusiilaan waxay kaloo leeyihiin hawlwadeenno gaar ah oo qaabbilsan adeegyada waxbarashada dhallinyarada kuwaasoo la shaqeeya macallimiinta dugsiyada si ay da'yarta uga caawiyaan siday ku nabadgeli lahaayeen.

  • Waad kala hadli kartaa iskuulkaaga waxay carruurta baraan si ay ku nabad galaan.

  • Xilliyada fasaxa dugsiyada isku day inay carruurtaadu ka qaybgalaan ciyaaro ama hawlo kale oo ay ku mashquulaan. Jaalliyado badani waxay qabanqaabiyaan barnaamijyo fasax si ay carruurtu ugu mashquulaan oo maaweelo uga dhigtaan.

  • Da'yarta isku hawsha ciyaaraha ama dhaqdhaqaaqyo kaloo wanaagsan, waxay u badan tahay inaysan ku lugyeelan dembi.

Kor

Seeragoyn (trespass)

  • Seeragoyn waa iyadoo ruqsad la'aan la galo qofkale gurigiis ama goobtiisa shaqo.

  • Seeragoyni waa dembi.

  • Haddii qof seeragoyn sameeyo waxaa loo sheegi karaa inuu meesha iskaga tago ama waxaa la siin karaa digniin seeragoyn.

  • Digniin seeragoyn waxaa la siin karaa qof kasta, xitaa carruurta waa la siin karaa. Tusaale ahaan hadduu qof dukaan wax ka xado, milkiilaha dukaanku wuxuu qofkaas siin karaa digniin seeragoyn.

  • Digniinta seeragoyntu waa codsi rasmi ah oo lagu dalbanayo inuu qofku goobta milkiyadda iskaga fogaado.

  • Hadduu qofku iska dhegatiro digniinta, iskuna dayo inuu qof milkiyaddiisa kusoo xadgudbo booliiska ayaa loogu wici karaa inay meesha ka saaraan.

  • Booliisku way xidhi karaan qofka seeragoyska ah.

  • Qofka seeragoyska ah waxaa la ganaaxi karaa lacag dhan $1000 ama waxaa la xidhi karaa muddo 3 bilood ah.

  • Digniinta seeragoyntu waxay kahortag u noqon kartaa in qof ku xadgudbo milkiyadda qof kale muddo laba sano gaadhaysa.

Kor

Afduub iyo cagajuglayn/baad

Afduub, cagajuglayn ama isku day afduubid ama qaadasho lacag baad ah waxaa loo arkaa dembiyo culus dalkan Niyuusiilaan.

Afduub waa xabis aan sharci ahayn oo lagula dhaqmo qof aan raalli ka ahayn. Cagajuglayn ama baad waa adeegsi hanjabaad si hanti (lacag) looga qaato ama loogu khasbo qof habdhaqan aan caadi ahayn.

Niyuusiilaan arrimahaasi waa gefef culus oo lagu mutaysan karo ciqaab dhan 14 sano oo xabsi ah.

In kabadan 70% afduubyada ama cagajuglaynta/baadda la gaadhsiiyo booliiska Niyuusiilaan waxay keenaan in la ciqaabo kuwa geystay faldambiyeedkaas.

Kor

Dembi jidhnacayb

Booliiska iyo guud ahaan dadka reer Niyuusiilaan u dulqaadan mayaan meelkadhacyo ku salaysan qofka midabkiisa. Gefefkaas oo kale waxaa loo yaqaan dembi "jidhnacayb". Faldembiyeedka noocaas ah marka lasoo gaadhsiiyo booliiska, baadhitaan culus ayaa lagu sameeyaa.

Booliisku waxay toos ula shaqeeyaan wakiilada jaaliyadaha qowmiyadaha-laga badan yahay- ururada sida Guddiga Xuquuqda Aadamiga si loo difaaco xorriyedda iyo xuquuqda dhammaan jaalliyadaha Niyuusiilaan.

Haddaad ka warhayso gefef midabtakoor ku salaysan, ama dhibaatooyin loo geysanayo qoyskaaga ama jaalliyeddaaada waa in aad soo sheegtaa.

Kor

Musuqmaasuq socdaal (dal soo gelid)

Waxaa kuu bannaan in aad adeegsato wakiil arrimaha socdaalka, adiga ayaana ka masuul ah wixii dukumenti ah ee wakiilkaagu u gudbiyo waaxda socdaalka.

Bixinta fiisooyin, ruqsado dal kujoogid iyo dukumentiyo kale oo beenabuur ah waa musuqmaasuq, booliiskuna si adag ayay wax uga qabanayaan.

Hadday kula tahay in qof si ulakac ah kuugu sheegay macluumaad socdaal oo been ah, isla markaana aad lacag ku bixisay adeeggaas, waa in aad taas gaarsiiso booliiska iyo Waaxda Arrimaha Socdaalka ee Niyuusiilaan.

Kor

Isdabamarin maaliyadeed(Hanti lunsasho)

Si looga baaqsado dhagar ama khayaamo lacageed, booliisku waxay talo ka bixiyaan lamacaamilka hay'adaha maaliyedda caanka ah ee la qaddariyo marka maalgelin lasamaynayo ama amaah laqaadanayo.

Meel ammaan ah ku xafid kaadhka amaahda (credit card), kaadhka lacagta lagula baxo iyo lambarrada aqoonsiga (pin numbers). Cidna hasiin lambarradaas aqoonsiga.

Marwalba weydii aqoonsi qofka doonaya inuu jeeg kuu qoro markuu wax kaa gato ama kusiinayo ijaarka adeeg aad u fulisay.

Haddaad u aragto in qof ama shirkad maaliyadeed iskudayeyaan inay ku khayaameeyaan, la soo xiriir booliiska.

Akhri macluumaad dheeraad oo ku saabsan Musuqmaasuqa Jeegagga iyo Kaadhadhka Amaahda (Credit Card).

Kor

Maxaad yeeli haddii...

Haddii aqalkaaga lajabsado:

  • Haddaad guriga kusoo noqoto oo aad ogaato in loo dhacay, isla markaana aad umalayneyso in tuuggii weli aqalka ku jiro, guriga ha gelin. Deg deg ula xiriir booliiska oo wac 111 adigoo taleefoon kale isticmaalaya. Eeg Sida loo soo Tebiyo Warbixinta Dembiyada

  • Haddaad u malayso in tuuggii guriga ka tagey, wac ama tag saldhigga booliiska kuugu dhow si aad ugu sheegto xatooyada.

  • Markaad saldhigga booliiska tagto oo aad warbixinta geyso waa in lagu siiyo foomka qiraalka ku saabsan warbixintaas. Kaas waxaa loo yaqaan 'Foomka Garawshiyaha Dacwada'. Foomkaas waxaa ku qoran lambarka galka dacwada iyo macaga sarkaalka dacwada ku hawlan.

  • Meeshooda haka qaadin hana taaban alaabada laga yaabo in tuuggu taabtay ama halkoodii ka qaaday, waayo waxaa laga yaabaa in booliisku caddayn ahaan ugu baahdo alaabadaas. Tusaale ahaan, booliisku wuxuu u baahan karaa inuu eego astaamaha faraha ee tuuggu ka tagey.

  • Haddii aqalkaaga iyo alaabada taal caymis ku jiraan, usheeg shirkaddaada caymiska in lagu dhacay.

  • Markaad caymiska u gudbinayso codsigaaga magdhowga, waxaad u baahanaysaa lambarka galka dacwada ee booliiska.

  • Xiriiriyeyaasha soo socda ayaa macluumaad wanaagsan ka bixinaya guryo jabsiga Niyuusiilaan iyo siyaabaha looga hortagi karo:

Kor

Haddaad gasho shil gaadhi:

  • Aad bay muhiim u tahay in aad isdejiso oo ku dadaasho in aad caadi ahaato haddaad ku lug yeelato shil gaadhi.

  • Waa in aad joogsato oo hubiso in dad kale dhaawacmay ama hanti waxyeello gaadhay.

  • Haddii dad dhaawacmay, wac 111 oo codso booliis iyo ambalaas. Haddaadan taleefan diri karin weydiiso inuu qof kale kuu diro. Qofka shilka usababta ah booliiska ayaa caddaynaya.

  • Waxaa laga yaabaa in booliisku xabsiga dhigo qofka shilka sababay, hadduu qofkaasi jebiyey sharciga waddooyinka Niyuusiilaan.

  • Shilalka aan sidaas usii ba'nayn ee aan cidina wax ku noqon, waxay u badan tahay inaan booliisku imaan goobta shilka. Waxaase lagaa doonayaa in aad adigu booliiska wargeliso.

  • Haddaad ku lug leedahay shil gaadhi, waxaa sharci ahaan lagaa rabaa in aad booliiska wargeliso muddo 24 saac gudohood ah shilka kaddib.

  • Haddaad caymis ku jirto, usheeg shirkadda caymiska in aad shil gashay.

  • Markaad codsanayso magdhowga caymiska, waxaad u baahan tahay lambarka galka booliiska.

  • Usheeg magacaaga iyo ciwaankaaga darawalka gaadhiga waxgaareen ama milkiilaha hantida waxyeelladu gaadhay. Haddii darawaliin kale shilka ku lug leeyihiin, ku dadaal in aad ogaato inay caymis leeyihiin iyo shirkadda ay caymiska ku leeyihiin.

  • Haddaadan wadan karin gaadhiga shilka kaddib, ka badbaadi hallow ama waxyeello dheeraad ah. Tusaale ahaan, gaadhiga u durki jidka qarkiisa, albaabadana u xidh. Kala bax gaadhiga oo qaado alaabadaada gaarka ah.

Kor

Haddaad gaadhi waddo:

  • Booliiska Niyuusiilaan ayaa ka masuul ah xaqiijinta in darawaliintu u hoggaansamaan sharciyada gaadhi wadista dalka.

  • Qofkii jebiya sharciyadaas gaadhi wadista, waxaa suurtowda in laysinka ama gaadhiga laga qaado. Lagaba yaabee in qaar xabsiga loo dhaadhiciyo.

  • Si aad Niyuusiilaan gaadhi u kaxayso, waa in aad ugu yaraan 15 jir tahay oo laysinka darawalnimada haysato.

  • Si aad mooto u kaxayso, waa in aad haysato laysinka gaarka ah ee mootooyinka.

  • Waa in aad wadoto laysinkaaga darawalnimo marwalba oo aad gaadhi wadayso.

  • Waa in gaadhigu leeyahay ruqsada fayaqabka (WoF) iyo diiwaangelinaan dhicin.

  • Waa in aad barato qaanuunka waddooyinka oo sharxaya nidaamka gaadhiwadista Niyuusiilaan.

  • Markay gaadhi saaran yihiin, carruurta da'doodu ka yar tahay 5 jir waa in lagu xidho kurisiga caruurta u gaarka ah (kursi ammaan ah) oo waafaqsan da'dooda, cabbirkooda iyo culayskooda.

  • Niyuusiilaan dhexdeeda gaadhi ha wadin adigoo khamri cabsan. Ha ku wadin gaadhiga xawli dheeraad ah, mar walbana ha kuu xidhnaado suunka gaadhigu.

  • Qofkasta oo gaadhi saaran waa inuu xidhto suunka badbaadada. Dadka gaadhiga xaggiisa dambe saaraanna waa inay sidoo kale suumanka xidhtaan.

  • Eeg Gaadhi kuwadista Niyuusiilaan

Kor

Haddii lagugu handado lacag ama hanti awgeed:

  • Haddii ruux kuu hanjabo ama ku cabsi geliyo lacag ama hanti darteed, ama kugu khasbo habdhaqan aan caadi ahayn, booliiska wac oo udir 111.

  • Haddii ruux kuu hanjabo ama isku dayo inuu ku afduubo, booliiska udir 111.

  • Booliisku si adag ayuu ula dhaqmaa dembiyada noocaan oo kale ah, heerka xallintooduna waa mid aad u wanaagsan.

Talasiinta dukaanleyda

Tuugada dukaanada xadda

Noqo qof qibrad leh

·     Shaqaale si wanaagsan u tarbiyeeysan waa kuwa aqoonta u leh sidii ay tuugga u qaban lahaayeen.

·     Salaan qofka wax kaa iibsanaya isla markuu soo galena wareyso haddii uu caawinaad u baahan yahay. Hadii aanaad si dhaqso ah u caawin Karin tusi in aad aragto.

·     Ku kalsonow dareenkaada.

·     Ha iska qiyaasin – qof kasto waxbuu xadi karaa waana laga xadi karaa.

Haddii aad u maleeyneyso in uu tuug dukaankaada ku jiro

Ha ka baqin inaad su’aasho labo ama seddex jeer qofka aad ka shakisan tahay, adigoo su’aalaya  waxa uu u baahan yahay oo aad ku caawini karto. Tuugada sidoodaba ma jecla  shaqaalaha jecel inay caawiyaan dadka dukaanka wax ka iibsanaya – dareenka tuuga galaya  ayaa  waxay  tahay inaad ogtahay  danta uu leeyahay.

Qofka daacadda ah oo wax iibsanaya ma dhibeyso digtoonida shaqaalahaada.

Haddii aad aaminsan tahay in wax la xaday

·     Mar kastaba ka fikir nabad gelyadaada. U yeero qof kale oo shaqaalaha ka mid ah inuu ku caawiyo, iyo haddii aad dareemeyso in ay naftaada sinnaba qatar ugu jirto, ha iska baxo qofka aad ka shakisan tahay.

·     La hadal qofka aad ka shakisan tahay adigoo isku sheegaya qofka aad tahay. Meel fog ka istaag.

·     Hadalkaada ha noqdo mid xushmad leh. Ha ku qaadin hujuum.

·     U sheeg wixii aad aragtay oo ay sameynayeen.

·     Weydii in ay kuu raacaan xafiiskaada.

Haddii qofka aad ka shakisan tahay raalli ka yahay su’aashaada

·     Haddii aad keligaa tahay, iska hormarsii qofka aad ka shakisan tahay oo gadaashiisa soco. Haddii aad heysato caawimaad, shaqaalaha kale ha hor kacaan qofka laga shakisan yahay  si ay u tusaan wadadii uu mari lahaa.

·     Eeg oo ka feejignow haddii uu tuuray wixii uu doonayey inuu xado.

·     Goorta aad xafiiska tagtaan, fariisi qofka aad shakiga ka qabto meel ay ku qarin Karin kana ama ka xadi karin alaab kale.

(Talo siin – albaabka xafiiskaada goor kasta ha kuu furnaad inta aad qofka aad shakiga ka qabtay la hadleyso, ama shaqaalahaada mid ka mid ah goobjoog ha ahaado si uu marqaati kuugu noqdo haddii qofka aad su’aaleyso kugu dacweysto inaad six un ula dhaqmatay.)

·     Qoro wax kastoo qofka aad ka shakisan tahay uu ku sheegay ama qirtay.

·     Waxaad wacdaa 111 oo weydiiso inaad dooneyso boliiska.

·     Goorta ay boliiska kuu imaadaan, adiga ayeey ku wareysanayaan marka hore. Ka dib ayeey  wareysi la yeelanayaan qofka aad ka shakisaneyd ka dibna go’aan ay ka gaarayaan haddii ay xirayaan iyo haddii kale. Waxaa kale oo ay baarayaan qofka aad ka shakisan tahay dibna kuugu soo celinayaan alaabtii lagaa xaday.

·     Waxaa dhici karta alaabta lagu qabtay tuuga, inay boliiska kaa deynsadaan si loo hordhigo maxkamadda. Haddii ay taasi dhacdo, waxaa ay ku siinayaa warqad caddeyneso in alaabtaasi lagaa heysto. Waxaay weydiinayaan maxkamadda inay alaabtaada dib laguugu soo celiyo.

·     Waxaa dhici karta inaad oggolaato ama  go’aan ku garto in eedeysanaha siiso warqad sharciyeeysan oo ah digniinta xadgudubka ( eeg foomkeena digniinta xadgudubka ) taasi waxay eedeysanaha ku qasbeysaa inuu dukaankaada cagta soo dhigin muddo labo sano ah.

Haddii uu eedeysanaha yahay qof dagaalamaya ama fakadey

·     Waxaa wanaagsan inaad sii deeyso intaad khatar geli lahayd.

·     Haddii aad dareemeysid inaad Qatar ku jirin, meel fog ka jog.

·     La socodsii shaqaalaha midkood inaad tuug dukaanka xaday daba rooreysid iyo inay wacaan 111 oo ay weydiiyaan boliiska.

·     Qofka wacaya boliiska waa inuu sheegaa goobta dukaankaada ku yaal, sida adiga iyo eedeysanaha aad u egtihiin, iyo dhinaca aad u aadeen.

·     Haddii aad dabasocotid tuug, waxaad qaadataa talefoonkaada gacanta haddii aad haleesho. Wac 111 u sheeg boliiska inaad daba socoto tuug dukaankaada xaday. Waxaad kaloo u sheegtaa meesha aad mareyso iyo jahada aad u ordeysaan.

·     Goorta aad aragto gaariga boliiska, gacanta u lul iskuna sheeg qofkaad tahay.

·     Sii boliiska tilmaanta muuqaalka tuuga.

 

Dhicid/boobid

Noqo qof qibrad leh

·     Noloshaada iyo nabadgeliyadaada waa ay ka qiimo badan tahay lacagta.

·     Waxaad xaqiijisaa in shaqaale kasta og yahay kana fikiray wixii ay sameyn lahayeen haddii ay dhacdo in la idin dhaco.

·     Diyaarsada dhowr hab oo aad isticmaashaan.

·     Qasdigaada ha noqdo inuu dembiilaha baxo isagoo qofna wax gaarsiin.

Firo gaar ah: dhicidda ama boobidda waqtiga ay qaadato waxay ka yar tahay hal daqiiqo.

 

Talooyinka  ku nabadgeli lahayd

·     Noqo qof deggan.

·     Samee wixii lagu sheego.

·     Tixgeli in hub gacmeedku yahay mid run ah oo ay xabadi ku jirto.

·     Si feejigan u qeex dambiilaha wajigiisa, adigoon eegeeyn.

·     Haddii ay qatar ahayn, eeg jahada uu eedeysanaha aaday iyo tilmaanta gaariga iyo lambarka taargada gaariga.

·     Isla markuu eedeysanaha baxo, waxaad wacdaa 111 weydiiso Boliiska.

·     Ka jooji dadka in ay soo galaan sakxada uu dambiilha isticmaaley.

·     Weydiiso markhaatiyaasha inaysan bixin oo ay sugaan Boliiska isla marksna la hadal.

Haddii aad hayso waqti inta uu Boliiska imaan, weydii qof kasta inuu qoro tilmaanta dambiilaha iyo gaarigiisa.

·     Ha muujinin “inaad tahay geesi”.

·     Ha isku adkeynin.

·     Ha sameyn dhaqdhaqaaq lama filaan ah, inaad la hadasho, ama inaad eegto.

·     Ha daba ordin dambiilaha.

·     Ha taaban wax kasta uu dambiilaha taabtay.

Maamulka lacagta naqadka ah

Amaanka maamulka lacagta naqadka ah waxay yareyneysaa fursadii lagugu dhici lahaa ama xadi lahaa ladagtaada.

Tiri lacagtaada iyadoon lagu arkeyn dadna kaa ag dhoweyn.

Ha kaga faaloonin fagaaraha lacagaha kuu soo xarooday.

Ka feejignow inay qasnadaada ku oolin meel qof kasta ka arki karo, kuna taal meel badbaadsan oo dadka kaa adeeganaya aaysan u muuqan.

Ka faaruqi qasnadda lacagta ku jirta goor kasta bankigada ku shub ama ku xasee meel la hubo inay ku badbaadeyso. Goobta bangiga ee lacagta lagu rido iyoqasnadda waqtiga ku xirmata waxay iyagoo diyaar ah laga heli karaa shirkadaha ilaalada nabadgeliyada.

Inta aadan ka soo saarin ama ku xareyn lacag cadaan ah oo isku xiran qasnadaada goorta aad shaqada bilaabeysid ama aad dhameeyneysid, waxaad hubisaa in dukaanka uu xiran yahay amaana yahay dadka ka shaqeeya keliyana ay goobjoog yihiin.

Is gaarsinta lacagta naqadka ah

Ka soo qaad inaad xiriir shaqaale la yeelato shirkadda lacagta xambaarta haddii ay jirto lacag badan oo u baahan si joogto ah in lagu shubo bankiga. Haddaba noocasi waa kan ugu wanaagsan oo lagu sugi karo badbaadada lacagtaada.

Inaad dibadda u baxdo adigoo lacag caddaan ah gacanta ku wadata waa arrin aad qatar u ah, qofka wada lacagtana waxaa uu ku jiraa qatar laga bilaabo goorta uu socdaalkaas bilaabay ilaa uu ka tagayo. Talooyinka soo socda waa kuwo kugu caawinaya sida loo yareen lahaa khatarta ah in lagu dhaco ama weerar lagu qaado shaqaalaha lacagta naqadka ah wada iyagoo lugeynaya ama gaari ku geeynaya bankiga.

·     Kala badbadal waqtiga aad lacagta geyneyso ama ka soo qaadeyso si aay u adkaato in la helo dhaqdhaqaaqa jadwalka lacagtaada.

·     Kula tali shaqaalahada inay xirtaan maro weyn ( sida jaakad weyn) si aan loo arkin dharka  labiska ee shirkadaada laguna soo aqoonsan.

·     Goor kasta isticmaal qof weyn inuu qaado lacagta. Haddii ay kuu suuroobi karto qof kale ku dar si ay lacagta u wada ilaaliyaan.

·     Ha ku qaadin lacagta kiish ku qoran bank ama kiish muujinaya in lacag ku jirto. Haddii aad sooneyso inaad lacagta ku qaado boors, isticmaal mid aan u ekeyn in lacag ay ku jirto ama lagu wado.

·     Isticmaal wadada ugu fudud iyo tan ugu dad badan ee tagta bankiga. Ku lugee dhinaca gaarida kaa hor imaanayaan ee ha ku lugeyn dhinaca gaarida ay dib kaaga imaanayaan.

·     La socodsii shaqaalaha kale inaad bankiga aaday iyo goorta ay ku filan doonaan inaad dib uga soo noqon doonto.

·     Qaado talefoonkaada gacanta.

·     U qorshee shaqaalaha iney heystaan alaarmi oo ay isticmaali karaan haddii la weeraro.

·     Haddii aad gaari u qaadaneyso bankiga, wadada bedel goor kasta si aan loo qiyaasin wadada aad mari doonto.

·     Mar kasta ka digtoonow haddii aad aragto dad shaki ku geliyey ama gaari aad is leedahay waa uu ku dawa socda.

·     Isku xir irdaha gaarigaada inta aad bankuga u socoto, marnaba wadada ha sii jog joogsan.