Hordhac | Wargaarsiin | Xuquuq | Badbaado | Beelaha | Qorshayaal
Arabic | Chinese | English | Farsi | German | Hindi | Japanese | Korean | Somali | Spanish | Thai | Vietnamese
Marka xaalad degdeg ahi jirto, lambarkaad wacayso Niyuusiilaan gudeheeda waa 111.
Wicitaanka 111 waa bilaash marka la adeegsanayo taleefoonada dadweynaha iyo kuwa gacantaba
Markaad wacdo 111 waxaa lagu weydiinayaa adeegga xaaladda degdegga ah ee aad doonayso: Booliis, dabdemis ama Ambalaas.
Booliisku wuxuu xaalad degdeg ah u arkaa wixii markaa dhacaya, ama goor dhow dhacay haddii:
Xaaladaha aan degdegga ahayn sida baasaboor lumay ama wargelin dembi sida guri loo soo dhacay mar hore, oo aan khatar markaas taagani ka jirin, waa in aad shaqsiyan tagtaa saldhigga booliiska degmadaada.
Xaaladaha aan degdegga ahayn sida baasaboor lumay ama wargelin ku saabsan dembi sida guri lajabsaday kol hore, waxaad taleefoon ku wici kartaa saldhigga booliiska ee kuugu dhow, ama sida badan waa in aad shaqsiyan tagto saldhigga booliiska si aad u dhiibto warbixin rasmi ah.
Markaad tagto saldhig booliis si aad u geyso warbixin dembi dhacay ama aad dacwooto waa in aad heshaa Foomka Garowshiyaha Dacwadaha (Complaints Acknowledgement Form). Foomkaasi wuxuu leeyahay lambar galka dacwaddaada waxaana ku qoran magaca sarkaalka dacwaddaada qaabilsan.
Markaad dacwaddaada gudbisid booliisku waa inuu kuugu soo jawaabo waqti maangal ah. Haddaad qabto su'aalo la xiriira dacwaddaada waa in aad wacdaa ama markale booqataa saldhiga booliiska una sheegtaa lambarka galka dacwada.
Baasaboor lumay - markaad warbixin ka gudbineyso baasaboor lumay, waa in aad booliiska u sheegto lambarka baasaboorka.
Haddii ay dhibaato kaa haysato lahadalka booliska sabab luuqadda la xiriirta awgeed, waxaa kuu bannaan fursado ay ka mid yihiin: